|
Asmara,(insidesomalia.org)- Sida uu sheegay afhayeen u hadlay kooxda Alshabaab oo lagu magacaabo macalin Xaashi ayaa waxaa uu sheegay inay iyagu taageersan yihiin isbahaysiga garabka uu hogaamiyo Sheekh Xasan Daahir Aweys oo isagu ka mid ah wadaadada Soomaalida ee ku jira liiska argagaxisida caalamigae maraykanku uu iskiis u samaystay.
Hadalka Macalin Xaashi oo ka yaabiyay dad badan oo dunida ku nool maadaama ururka Alshabaab oo isagu aan ka tirsaneen isbahaysiga dib u xoreynta iyo midowga maxkamadaha islaamigaba uu hadana ka hadlo arimaha isbahaysiga iyo khilaafka u dhexeeya.
Dhinaca kale Sheekh Cabdiraxiin Ciise Cadow oo ka mid ah hogaamiyayaasha dhinaca howlgalada ee midowga maxkamadaha islaamiga iyo isbahaysiga dib u xoreynta ee dalka Soomaaliya ayaa walaac weyn ka muujiyey khilaafka soo kala dhexgalay madaxda midowga maxkamadaha Soomaaliya isagoo ugu baaqay inay joojiyaan khilaafka macnadarada ah isla markaana la mideeyo mowqifka isbahaysiga
Kala duwanaanshaha hadalada ururka Alshabaab iyo maxkamadaha islaamiga ee Soomaaliya ayaa ku tusinaya sida ay ugu mowqif kala duwan yihiin khilaafka ba’an ee ka dhex jira isbahaysiga dib u xoreynta ee uu hogaamiyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo kooxda iyadu ka go’day isbahaysiga ee uu hogaamiye Sheekh Xasan Daahir Aweys.
Khilaafka isbahaysiga dib u xoreynta iyo hadalada ay is dhaafsanayaan madaxdooda ayaa dhabar jab weyn ku ah xooggaga muqaawamada ee iyagu halganka xaqa ah kaga soo horjeeda ciidamada cadowga Itoobiya ee xasuuqa iyo barakicinta ka wada dalka Soomaaliya.
Iyadoo ay soo baxdey in hogaamiya diineedyada Soomaalidu ay wax sidaas ka duwaneen soomaalida inteeda kale oo iyagu ah dad aan aragti dheereen isla markaana samir iyo dulqaad u laheen in khilaafaadkooda ay ku xaliyaan wada hadal iyo is tusaaleen ayaa waxaa muuqanaysa in xalka Soomaaliya uu sii fogaanaayo maadaama khilaafkii uu hadana u wareegay dhinaca culimadda diinta maadaama uu hore usoo daashaday soomaalida inteeda kale.
|